• WAA YAABKA YAABKIISA:  NATIIJOOYIN LAMA FILAAN AH IYO KUWO WADA FILAAN AH…!


Maxay ku dhacday inay ciyaarihii ugu muhiimsanaa ee Quarter-finalka,  Semi-finalka iyo waliba Finalka  Horyaalka Copa America,  Horyaalka Gabdhaha Adduunka, iyo waliba Winners Cup ka Afro-Can SC ay badidood isku reebaan PENALTIES?  Maxayse kooxo aan la filaynin ugu soo gudbeen Semi-finalka, Finalka amase Horyaal ku noqdeen? Jawaabta su’aalahan waxaan u daynayaa akhristaha qaayaha badan.

Waxaa laga yaabaa inaad isweydiinaysaan garanay oo ruugnay  Copa America, gabdhihii reer Japan na waan fahamnay waxay ku dhigeen USA balse Afro-Can SC  waa ciyaarahee, tolow ma Galbeedka Afrikaa laga dheelay mise Bariga.


Akhriste anigoo wakhti badan kaa luminaynin waa CLUB ay ku midoobeen Naadiyadda kubadda cagta ee Dixon FC, Hilaac, Semcay iyo Horseed FC ee caruurta da’doodu u dhexeyso 5 jirka ilaa 14 jirka ee magaaladda Toronto ee dalkaasi Canada naadi kastana uu la soo shir tagay U8, U10, iyo U12 markii ugu horeysay abid. Naadiyaddan ayaa waxaa gacanta ku haya khubaro SPORT Ilaahay ajar haka siiyee.

Naadiyaddan ayaa waxaa u soo gabagaboobay Horyaalkii xilliga kuleylaha ee 2011 oo soo bilowday bishii June 14 keedii soona gabagaboobay July 19 keedii iyadoo uu ka koobnaa laba wareeg. Haddaba waxaa Horyaalka Summerka ee sannadkan loogu kala guuleytay sidatan:


Kooxda

Kaalinta

Dhibcaha

Horseed FC

1aad

Discipline

Dixon FC U8

1aad : Summer 2011 Champions

12

Hilaac U8

2aad

  6

Hilaac U10

1aad : Summer 2011 Champions

15

Semcay U10

2aad

10

Dixon FC U12

1aad : Summer 2011 Champions

12

Semcay U12

2aad

  9

Haddaba markii uu dhammaaday  horyaalka kuleylaha ayaa waxaa lagu daba qabtay “ Winners Cup” oo ay fooda isku dareen kaalinta 1aad iyo 4aad; 2aad iyo 3aad  ee  da’ kasta maalinimaddii taariikhdu ay ahayd July 26, 2011.

Yaabka yaabkiisa ayaa wuxuu ahaa in saddex ka mid ah ciyaarahaas lagu kala baxay PENALTIES (Rigooreyaal), isla markaasna kooxihii hogaanka hayey ilaa daqiiqadihii ugu dambeeyey ay ku hareen Rigoorayaalkii! Haddaba  FINALKA WINNERS CUP KA waxaa  fooda isdari doona kooxahan:


Ciyaaraha

Dixon FC U8 vs Hilaac U8

Dixon FC U10 vs Hilaac U10

Hilaac U12 vs Horseed FC U12 amase Dixon FC U12

Ciyaarta Dixon FC U12 iyo Horseed FC U12 way isku noqonayaan sababo farsamo awgeed.

Winners Cup Finalka ka dib waxaa bilaabmi doona  Koobkii Ramadaanka ee 2011 waxaana xigi doona 2011-2012 Winter Cup oo bilaabmi doona bisha September 2011 hadduu Alle Idmo.

W/D: M Busuri

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line