• Iftin Champions

 

Waxaa garoonka weyn ee Soccer Centre lagu soo gaba gabeeyay SOSCA Ramadan Cup 2011. Tartankan oo sanadiiba mar la qabto ayaa waxaa sanadkan ka soo qeybgalay kooxaha kala ah: Iftin, St Cathrin, Kitchiner, Dixon, North stars, Galmudug iyo Hamilton

 

Ciyaartii finalka ee tartankan ayaa waxaa wada ciyaaray Iftin iyo kitchener.

Labadan kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badan oo ay dadkii ka soo qeybgalay ay aad ugu riyaqeen.

Bilowgii ciyaartaba waxaa laba gool oo daran doori ah lagaga naxsaday kooxda Iftin. Wax xogaa markii ay ciyaarta socotay ayaa Iftin ay dhalisay goolkeedi kowaad.

Qeybtii hore ee ciyaartana waxaa lagu kala nastay 2-1 oo ay ku hogaamineyso Kitchener. Nasashada kadib ayaa, Iftin ay iyadu weerar culus ku qaaday goolka Kitchener taasi oo keentay iney dhaliso goolkii barbar dhaca.

Waqtigii loogu talo galay ciyaartan ayaa labadan kooxood isla dhaafi waayey 2-2. Si labadan kooxood ay midkoodu guusha u raacdo ayaa waxaa loo dhigay rigooreyaal "Penalties". Rigooreyaashan ayaa waxay guusha ku raacday Iftin oo halkaasi koobkii SOSCA Ramadan Cup 2011 la hooyatay.

Tartanka dhaliyeyaasha waxaa ku guuleystay Cadnaan. MVP waxaa isagana qaatay Mumin. Goolhayaha ugu fiican waxaa loo magacaabay Yonis Xalane. Maamulaha ugu wanaagsanna waxaa loo gartay Macallimu. Tababaraha ugu fiican waxaa koobkeedi qaatay Xassan oo ahaa tababaraha Kitchener.

Sidoo kale waxaa abaal marrino la guddoonsiiyay Cantar Jeenyo, Mohamed Busuri, Cumarey Barba, iyo garsoorihii ciyaarta.

W.D Mohamed Busuri

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line