|
Tartankii kubadda cagta ee Sindako Cup ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Toronto. Tartankan ayaa waxaa ciyaarta finalka isaga hor yimid kooxda Dixon Stars iyo kooxda Downtown.
Bilowgii ciyaarta waxaa weerar aan kala go' lahayn lagu qaaday goolka Dixon, iyadoo Downtown ay halkaasi ka dhalisay laba gool oo isdaba joog ah.
Qeybtii hore ee ciyaarta waxay ku dhamaatay 3-1 oo ay ku hogaamineyso Downtown. Nasashadii kadib ayaa labadan kooxood ay si kulul isu weerareen. Wixii weerar iyo weerar celin leesku haayaba, ugu dambeyntii waxay Dixon iyo Downtown waqtigii loogu talo galay ciyaarta isla dhaafi wayeen 5-5.
Intaa kadib waxaa loo dhigay rigooreyaal. Rigooreyaasha ayaa waxaa ku badisay kooxda Dixon oo halkaasi ku qaadatay koobkii loogu magac daray allaha u naxaristee Farah Wehliye Cadow "Farah Sindako"
Qaban qaabiyaha tartankan Mr. Faris ayaa si weyn ugu mahdcelinayaa Guddoomiye Nuuraye oo qeyb libaax ka qaatay qaban qaabinta taranka. Sidoo kale Faris wuxuu u mahadcelinayaa Cali Baba, Mohamed yare, Cabdiqaaliq iyo dhamaan dadkii la shaqeeyay.
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|