Ka dib markii la dareemay dhibaatooyinka soo food saaray hor u socodka Isboortiga Soomaaliyeed taa oo ka timid Guul darooyinka isdaba jooga ah,Gudiyadda Hogaaminta oo ay ka muuqdaan dad aan ehel u aheyn Isboortiga, Halyeeyadii Isboortiga oo la dhex dhigay colaad looga gol leeyahay in aysan waligood isu imaanin taa oo gunta ku haysa qeybi oo xukun(DIVIDERE EE COMMANDARE). arrimahaasi waxa ay dhaliyeen dareen aad iyo aad u weyn oo ka yimid Dadweynaha Isboortiga xiiseeya oo guux xoog leh ku muujiyey dareenkooda ku aadan sida Isboortiga loo dayactiray iyo sumcad xumadda maanta la baday Gudaha iyo Dibedaba.
Gudoomiyaha Mideynta Qurba joogta soomaaliyeed iyo wafdigiisa waxay u gudbeen Magaaladda VIRGINIA halkaa oo ay kula kulmeen halyeeyo kale oo xusuusta Ummadda Soomaaliyeed raad raac wanagsan ku reebtay kuwa oo kala ahaa,XAAJI MACOW SIID BARAKOW(OO AHAA LAMABARKA 11 KUU UGU FIICNAA OO ISBOORTIGA SOOMAALIYEED SOO MARA), KHALIIF RIIKO OO KA TIRSANAA XULKII QARANKA KUBADDA CAGTA, FAYSAL KHALDAAN, YUSUF SHAQAAQ IYO DAYIB GUDOOMIYAHA UNIVERSAL TV EE NORTH AMERIGA, waxaana halka uga wada shekeyysteen waayihii barisamaadkii iyagoo dhamaantood walaac ka muujiyey halka uu maanta Isboortigeenu marayo,waxaana uu Gudoomiyaha Mideynta Qurba joogta Isboortiga Soomaaliyeed Mudane Axmed Nuur Maxamed Xaashi (Seyga Ruushka) uu baqoolay dalka Kanada magaladda TORONTO halkaa uu kula kulmaya halyeeyo Taarikh ku leh Isboortiga Soomaaliyeed oo kala ah MUDANE MAXAMED FAARAX DABDAMIS, MUKHTAAR CUTI,XASAN XARBI, BAASHI CALI BAASHI, INJ CABDISAMAD,AXMADEY BAALDI, CABDIRAXMAAN TACBAAN IYO QORAA SARE BUSURI, AW BAARE, SHARIIF MAXAMED, LIIBAAN BASHIIR, ODAY MURSAL, CANTAR JEENYO, FAARAX ODAY IYO HALYEEY MAXAMED XAAJI UUREY kuwaa oo dhamaantood si kalgaceyl leh u soo dhaweeyey, waxaana Mudane Seyga Ruushka uu u sheegay hadafka loo dhisay Guddiga Mideynta Qurbajoogta Isboortiga taa oo danta ugu weyn ay tahay in la isu keeno Halyeeyadii u soo Kifaaxay Isboortiga,isla markaana diiradda la saaro sidii loo soo nooleyn lahaa Isboortiga oo ay la degeen kuwa aysan waligood ka qeyb galin horumarin Isboorti oo maanta loo aaneynaayo habaca isboortiga ka muuqdo isla markaana aysan laheyn aqoon iyo waayo aragnimo arrimahaasi looga hotagi lahaa.
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|