|
Maamulka kooxda Banadir FC ayaa casho sharaf u sameeyay ciyaartooygii hore ee kooxda Mustaf oo ku magac dheer Sirilanka.
Mustaf oo muddo badan ka tirsanaa kooxda Banadir, ayaa haddeer ku nool magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota, USA.
Haddaba mar un booqasho gaaban ku yimid magaalada Toronto ayaa maamulka Banadir ee ay hogaaminayaan Faris iyo Nuraaye ay casho sharaf soo dhaweyn ah u sameyeen ciyaartooygan.
Cashadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay qaar ka mid ah ciyaartoodi hore ee ay Mustaf ka wada tirsanayeen Banadir, maamulka kooxda, tagereyaasha iyo marti sharaf kale oo halkaasi lagu casumay.
Faris oo xafladan daa'dihinaayey ayaa halkaasi ka sheegay in ay jiraan ciyaartooy badan iyo taageereyaal aan nasiib u yeelan iney ka soo qeygalaan xafladan, balse salaan hawada u soo mariyey Mustaf.
Magacayadii uu Faris xusay ayaa waxaa ka mid ah: Cabdullahi Morgan, Al-ustaad Gutale, Cadey, Mahad Gaal, Cabdifatax Muse, Majabe, Mowlid Cilmi Kulmiye, Xassan Xarbi, Xassan yare, Abtiga, Sadiq Farah, Mohamud Al-Matary (Immigration), Xuseen Fara Gaab, Axmed yare, Abukar Garabey, Guddoomiyaha kooxda Cabdiqaaliq, iyo taageereyaasha kala ah: Axmed Hireed, Hassan Tifowo, Shiino, Generaal Neelo, Fanax iyo Libaan Da'uud. Sidoo kale wuxuu Faris xusay Macallimintii hore ee kooxda sida: Marshale, Ganjab, Cantar Jenyo iyo Yusuf Dheere.
W/D Mohamed Busuri |
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|