|
Wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in aysan aqoonsaneyn xiriirka kubada cakta Soomaaliyeed oo ay ku tilmaantay xiriir faashil ah. Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho wasiirka Wasaarada Sportiga iyo dhalinyarada Xukuumada KMG ah ee Somaaliya Maxamed Muxiiyadiin ayaa waxa uu kaga hadlay wada shaqaynta kala dhaxeysa raga maamulada Sportiga Soomaaliya isagoona Shaaca kaqaaday in ay Jirto wadashaqayn wanaagsan oo u dhaxeyso isaga iyo gudiga Olympic-kada Soomaaliyeed iyo xriirada Hoos yimaada Marka laga reebo Xriirka kubada cagta oo uu ku tilmaamay inay ku fashilmayn Shaqadii loo dhiibay Maxamed Muxiiyadiin ayaa waxa uu sheegay in maanta waxii ka dambeeya aysan la shaqayn doonin xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta isagoona ku tilmaamay kuwa fashilmay Mar wax laga weydiiyay Maxamed Muxiiyadiin in ay iyaga la Shaqayn waayeen Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa arintaasi uu gaashaanka u daruuray, waxa uuna ku eedeeyay Xiriirka kuwa iyaga markasta ka dhuunta wasaarada Wasiirka Wasaaradda Sboortigu waxaa uu Shirkiisa jaraaid ku weeraray Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta Cabdi Qani Saciid Carab isagoo u adeegsaday ereyga qayru masuul waxa uuna yiri qof aanba dalka joogin ma hayn karo mas uu liyad intaa le eg mana u dulqaadan doono in gabdhaha Soomaliyeed maalin walba ku ooyaan garoomada wadamada dariska ah iyagoo huwan Calanka Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Shirkii jaraaid ee Wasiirka
Gabagabadii ayuu waxa uu baaq u diray Shacabka iyo qurbajoogta Soomaaliyeed isagoona kacodsaday inay dhisaan xiriir ay umadda soomaaliyeed ee aan hoostagin kuwa uu kutilmaamay kaligood taliye yaal u adeega danooha gaarka ah. WQ Caydiid C/raxmaan Aadan Tel 2526 5599988 ceydiidmilan@hotmail.com |
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|