|
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada lagu qabtay tartan kubadda cagta ah oo loogu magac daray Mohamed Tuke Cup 2011. Tartankan ayaa waxaa si qurux badan u soo qaban qaabiyay bahweynta sportiga ee Toronto ee uu horkacayey Oday Mursal.
Labada kooxood ee ku tartamayey koobkan ayaa waxay kala ahayeen kooxda Bakool uu macallim u ahaa Maxamed Farah "Debdamis" iyo kooxda Dirir oo u tababare u ahaa Macallim Cabdullahi Salah "Macallim Tuke". Ciyartooydii labadan kooxood ayaa waxay u badnayeen xiddighii hore ee heerka kowaad "Serie A" iyo xulka qaranka Somaliyeed.
Markaad u fiirsato ciyaartooydii u soo safatay labadan kooxood ayaa waxaa markiiba xasuustaadi ku soo dhaceysaa garoomadii Muqdisho Stadium iyo Stadium Konis. Bilowgii ciyaartaba waxay labadan kooxood soo bandhigeen ciyaar ay aad ugu riyaqeen dadweynihii tirada badnaa ee ka soo geybgalay daawashada ciyaartan. Markii ay ciyaarta socotay 10 daqiiqo ayaa kooxda Dirir ay laba gool oo is daba joog ah ay halkaasi ka dhaliyeen. Wax xogaa kadib Bakool ayaa iyaduna dhalisay goolkeedi kowaad. Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 2-1 oo ay ku hogaamineyso Dirir. Nashadii kadib ayaa labadan kooxoodba ay la soo galeen garoonka dar dar hor leh iyagoo ay ciyaarata ku dhamaatay 3-3. Haddaba si labadan kooxood mid ka mid ah ay ugu guuleysato koobkan ayaa waxaa loo dhigay rigooreyaal "Penalties". Rigooreyaashan ayaa waxaa 4-2 ku badisay kooxda Bakool.
W/D Mohamed Busuri Sawir Qaade Mohamed Ganey Wariye Abdirisaq Cadare
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|