• Mucjisaha Kubada Miiska Magan Tahir oo ku guuleestay Leeuwarden Friesland Championship 2012

     

Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee sita Dhalashada Dalka Holland una ciyaara Qaranka Kubada Miiska Dalka Nederlands, Magan Tahir Yuusuf ayaa mar kale ku guuleestay Koobka Leeuwarden Friesland Championship 2012, oo 21-january ka dhacay Garoonka Sporthal Kalverdijk ee Magaalada Leeuwarden.


Mucjisaha Kubada Miiska Magan Tahir Yuusuf ayaa Tartankaasi kala qeyb galay ciyaartoy kubada Miiska oo gaarayay 120-Ciyaaryahan, oo ka kala socday Gobolada dalka Nederlands.
Furitaanka Ciyaarahaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas,uuliyiin kala gedisan oo ka kala socday Gobolada Dalka Holland, Madax Isboorti, iyo Marti sharaf ka socotay Dowlada Hoose iyo Dhexe ee Dalka Holland.


Duqa Magaalada Leeuwarden ee Gobolka Friesland [Ferd Crone], ayaa Ciyaarahaan Furay, asigoona ka hor inta aan si rasmi ah u bilaaban ciyaaraha, rajo ka muujiyay In Ciyaaryahan Magan Tahir uu sanadkaan ku guuleesto Tartanka Kubada Miiska oo ay Marti galisay Gobolka Friesland.
Qeybihii danbe ee ciyaaraha mar uu Magan Tahir la hadlay Saxaafada ayuu rajo ka muujiyay in uu Koobka Sanadkaan la hooyanayo bacdamaa uu yiri "Ninka kaliya ee cariiriga i galin kari waa (Lon Ha) balse xilligaan mar hadii uu haray ma jirto cid i celin karta".
Magan Tahir Yuusuf ayaa soo gaaray Finalka, asigoona daqiiqadihiisa ugu danbeesay si farxad ay ku dheehan tahay ula ciyaaray Ciyaaryahan [Marten Polet] oo u cayaara nadiga Bergum, iyadoona ciyaartaasi ee kusoo idlaatay 3-1 set.
Ciyaaryahan Magan Tahir ayaa si weyn usoo jiitay taageerayaashiisa Gobolka Friesland, Bacdamaa uu Gobolka Ku reebay koobkii ay marti gelineesay Gobolka, taasi oo guul weyn u noqotay Bahda Isboortiga Gobolka Friesland.
Dhawaan Ayuu Magan Tahir isku diyaaranayaa in uu ka qeyb galo ciyaaraha Naadiyada Dalka Holland iyadoona Bisha March la filayi in uu ka qeyb galo ciyaaro International ah oo ka dhici doona dalka Italia.
Salah Hassan Omer [Salah Dheere]
Amsterdam - Nederlands.
Email: s.dheere@hotmail.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line