Kooxda Kitchener ayaa ku guuleysatay koobkii SOSCA Somali Week 2011. Ciyaartii finalka ayaa waxaa isaga hor yimid kooxda Kitchener iyo kooxda Manitoba. Qeybti hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaamineyso Kitchener.
Nasashadii kadib ayaa kooxda Manitoba ay weerar isdaba joog ah ku soo qaaday goolka Kitchener. Ugu dambeyntiina waxay heleen goolkii bar bar dhaca.
Waqtigii loogu talo galay ciyaarta ayaa labadan kooxood isla dhaafi waayey 1-1. Intaa kadib waxaa loo dhigay rigooreyaal (Penalty). Rigooreyaashan ayaa waxaa 5-4 ay guusha ku raacday kooxda Kitchener sidaana ku qaatay koobkii.
Ciyaartan iyo xafladdii ka dambeysay oo maqal iyo muuqaal ah goor dhow la soco insha allah
W/D Mohamed Busuri
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|