• Maxaad ka taqaanaa Goolhayihii Horseed iyo Qaranka JAAHUUR iyo heerkuu ka gaadhay ciyaaraha fudud noqdayna Gobol to Qaran

Taariikhda been lagama sheego waana ma guuraan ee xaqaa’iqa dhabta ah ayey qeexdaa,haddaba saaxiibayaal waxaynu qormadeena ciyaaraha aynu ku soo qaadaynaa goolhayihii Horseed iyo qarankaba Jaahuur iyo heerka uu ka gaadhay ciyaaraha fudud.
 
Haddaba dad badan ayaa isweydiinaya Jaahuur waxaynu ku ogeyn kubadda cagta ee xageebuu ka soo galay ciyaaraha fudud,hadal iyo dhamaantii 1977dii Jaahuur isaga oo u xaraysan xulka kubadda cagta ee gobolka Jubbada Hoose isuna diyaariniyeen ciyaarihii gobalada ayaa wuxuu ka qaybgalay isreebreebkii boodada hoose ee loo xulayey qofkii u matali lahaa Gobolka,waxaana kaalinta kowaad ku guulaystay Jaahuur.
 
Isla sannadkaas aynu kor ku soo xusnay markii ciyaaraha goboladu ka furmeen Moqdisho Jaahuur wuxuu ku guulaystay kaalinta kowaad ee bodada hoose waxuuna noqday horyaalka boodada hoose ee gobalada 1977dii waxaana la gudoon siiyey Bilad dahab ah,wuxu Jaahuur uu ka qayb galay oo kale orodka qoryo isu dhiibka ee 100 BY 100 kuna guulaysteen kaalinta labaad waxaana la gudoonsiiyey Bilad Qalin ah waana markii u horeysey ee Gobolka Jubada hoose ku guulaysto Bilado oo xagga orodada ah.
 
Wali waxaynu ku jirnaa 1977dii Jaahuur waxaa loo magacabay xulka qaranka ee cayqaaraha fudud ee Soomaaliyaa isaga oo markaa ku sugnaa Kismaayo kuna hawlnaa horyaalka kubadda cagta oo socday markaa.Xiriirkii ciyaaraha fudud ee wakhtigaas Jaahuur waxuu u soo diray Tigid waxuuna ku soo xarooday Macadkii dhismaha jidhka ee Xamar waxaana ku xaraysnaa ciyaartooydii ciyaaraha fudud Gabdho iyo wiilaba waxayna isu diyaarinyeen ciyaarihii Jaamicadaha Carabta  oo lagu qabanayey Liibiya iyo Bariga iyo bartamaha Afrika oo lagu qabtay Stadium Mogadisho .Jaahuur wuxuu nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo lixdii ciyaaryahan ee xulka qaranka waxayna kala ahaayeen JAAHUUR,JAAMAC KARAACIIN,CALI HUFANE,ABDI GUULEED,JEEMIS,WAASUGE iyo tababaraha oo  ahaa CALI SACIID.
 
Haddaba saaxiibayaal halka waxaad ka garanaysaa inuu Jaahuur ku soo ababay kuna soo raaxaystay cayaarahii Barisamaadkii laba Calina ima weydiinayso inuu Jaahyuur yahay Super Star
wabilaahi toofiiq.




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line