• AFRO-CAN SC TORONTO IYO AFRO-CAN SC (HAMILTON LIONS YOUTH)OO FOODA IS DARAY

     

 

Waxaa maalinimaddii Axada ee bisha November ay ahayd 13, 2011 ay ciyaar xiiso badan ooy dadweyne tiro badan ay ka soo qaybgaleen ay dhex martay labadda naadi ee African Canadian SC (Afro-Can SC) ee magaalooyinka Toronto iyo Hamilton.
Eidul Udxa ka dib ayey labadda naadi ku balameen inay ciyaar saaxiibtinimo wadda ciyaaraan inta uusan bilaaban ciyaaraha WINTER ka ee afarta naadi ee HAMILTON TIGERS YOUTH, HILAAC SC, HORSEED SC & DIXON FC oo dhammaantood ku midoobay Afro-Can SC.


Waxaa lagu balamay garoonka weyn ee PLAYERS PARADISE ee ku yaala magaaladda STONEY CREEK waxayna ciyaartii kowaad bilaabatay 2:00 pm waxayna dhex martay labadda koox ee U12 ka. Ciyaartu waxay ku bilaabatay dardar, weerar iyo weerar celin, wixii marba koox la weeraraba ayaa waxaa kooxda HAMILTON LIONS u suurta gashay inay helaan RIGOORE ka dib markii difaaca kooxda AFRO-CAN SC TORONTO uu xiradda ganaaxa ku jilaafeeyey weerarka HAMILTON LIONS oo iyagu fursadaas lumiyey ka dib markii goolhaye ADRIAN uu isku duubay kubbadaas. In yar ka dib ayey kooxda HAMILTON LIONS iska khasaariyeen gool furan!


Ciyaartu markii ay socotay 15 daqiiqo ayaa inanka la yiraahdo LOYAN SHARIF uu dhaliyey laad xor ah (FREE KICK) isla daqiiqado kadib ayaa mar kale uu LOYAN baalka midig kubbad kala soo galay baalka midig isla markaasna uu PASS qurux badan afka goolka (DEEP LINE) uu u soo dhigay SHARMAKE MUMIN oo isagu si xarago leh u dabamariyey goolhayaha HAMILTON LIONS.


Waa la kala nastay waxaana bilaabatay qaybtii labbaad ee ciyaarta ka dib markii ay labadda kooxba la soo tashadeen tababarayaashoodii oo kala ahaa HASSAN XARBI & ABDIKARIM CODKA oo watay naadiga AFRO-CAN SC TORONTO iyo ABDULKADIR YUUL & FADUMO M. ALI oo iyagu watay naadiga HAMILTON LIONS.


Qaybtii labaad ee ciyaarta markay bilaabatay ayuu LOYAN mar kale dhaliyey laad xor (FREE KICK) ah ciyaartuna waxay noqotay 3-0. Gabagabadii ciyaarta ayaa waxaa goolkii afaraad oo aad u qurux badan waxaa dhaliyey ciyaaryahan YONIS HASSAN, ciyaartiina waxay ku soo gabagaboowday   4-0 ay guushu ku raacday U12 ka AFRO-CAN SC TORONTO.


Waxaa iyadana 3:00 pm bilaabatay ciyaartii labaad ee labadda naadi oo dhexmartay U15. Markii ay ciyaartu bilaabatayba waxaa weerar culus qaaday kooxda HAMILTON LIONS oo laga celcelinayey goolka AFRO-CAN SC TORONTO waxayna taasi u suurta gelisay inay helaan RIGOORE isla markaasna uu si qurux badan ugu dhaliyey inanka lambarka 10 aad xirta ee MOHAMED ALI “ AAYOW”  oo aad u dadaalayey.

Tababarayaasha kooxda AFRO-CAN SC TORONTO  oo kala ahaa MAHAMAADI iyo JAMAAL ayaa ciyaartii wax ka badalay oo inankii difaaca ugaga ciyaarayey, MAHAADI ABDI oo lagu xasuusto DIILI MAHAADI DIILI, ay geeyeen weerar isla markaasna uu sameeyey fursado badan oo mid ka mid ah uu goolka afkiisa uu u soo dhigay SALMAAN MUMIN oo ciyaartii barbareeyey. Ciyaartu waxay noqotay 1-1 aad iyo aad ayeyna u sii adkaatay balse waxay ku soo gabagaboowday barbaro.
Waxaa ciyaarahan garsoore ka ahaa DAAHIROW SHAASH oo aad loogu bogay garsoorenimadiisa, waxaan ku leenahay waad mahadsan tahay.

Maamulkii iyo tababarayaashii kooxda AFRO-CAN SC TORONTO watay ayaa waxay kala ahaayeen HASSAN XARBI, JAMAAL DIRIYE, MAHAMAADI BAKAARI, ABDIKARIM CODKA, DIIRIYE BILE, SHAKA BROWN, MOHAMUD DHOORE, OMAR WARSAME iyo ENG. ABDISAMED SHEIK-QASIM.


Dhanka HAMILTON LIONS YOUTH ayaa waxaa watay FADUMO M. ALI iyo ABDULQADIR YUUL oo runtii aad u ammaanan hawl aan qoraal lagu soo koobi karina u haya bulshadda reer HAMILTON, waxaa xusid mudan waalidiintii iyo taageerayaashii reer HAMILTON ee garoonka soo buux dhaafiyey ee sawaxankooda seeriga lala maqli waayey isla markaasna bariis iyo muufo macaan garoonka ugu keenay ciyaartooydii reer TORONTO.


W/D Abdimalik Sheik




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line