• AFRO-CAN SC iyo XIDDIGAHA.CA OO LA CIIDAY HAMILTON LIONS YOUTH

 

Maalinimaddii Axadda ee ay taariikhdu ahayd November 6, 2011 ayaa waxaa booqasho Eidul-Udxa  ku tagay magaaladda Hamilton Ontario maamulka Afro-Can SC oo ay ku midaysan yihiin naadiyadda Horseed SC, Hilaac SC, iyo Dixon FC oo dhammaantoodba ka dhisan magaaladda Toronto ee carigaasi Canada. Waxaa kaloo marti sharafta ka mid ahaa shabakadda Xiddigaha.ca iyo wargeyska Somali Canadian Times oo uu tafatiri ka yahay Mohamed Busuri.  Wafdigani wuxuu garoonka oo uu qabow  ka jiray balse ay caruurtu aad iyo aad u sugayeen ay halkaas ka jeediyeen guubaabin iyo dhiiri gelin iyo inay waliba ciyaaro ugu tagi doonaan sida ugu dhakhsiyaha badan.


Waxaa halkaas martida ku soo dhaweeyey Coach ka ugu qiimaha badan wakhtigan la joogo (rag iyo dumarba) waa Fadumo Mohamud Ali ( Fadumo Hamilton) oo wakhtigii barisamaadka u ciyaari jirtay naadigii kubadda koleyga gabdhaha ee Jeenyo. Fadumo waxay dhigtay taariikh ku cusub dumarka qurba joogta ah oo iyaga aad loogu amaano sida ay u daba socdaan caruurtooda balse waxay Fadumo ku darsatay ilaa 50 caruuro kale ah iyo waliba xirfad dani ku baday ah oo tababaridda kubadda cagta ah, aabahay baa geel lahaan jiray anigaa ari leh baa ka roon.


Fadumo waxay qabataa hawshii laga rabay rag badan waxayna caawimo badan iyo garaba ka heshay Coach Abdulkadir Hassan Mohamed “ Yuul” oo ka mid ahaa ciyaartooydii gobolka Shabeeladda Hoose ee Marka koobkii Horyaalka goboladda ee 1983 wax ka qaaday kana ciyaari jiray baalka bidix ee weerarka (11).


Marti sharaftii halkaas tagtay ayaa waxay kala ahaayeen  mudane Ahmed Abshir, Coach Hassan Harbi oo kamid ahaan jirey ciyaartooydii ugu firfircooneyd naadigii Horseed, Cawo iyo maalin, Eng. Abdisamed Sheik-Qasim oo isna ka mid ahaan jirey naadigii Muqdishu. Waxaa isna salaan iyo hambalyo soo farey mudane Cumar Warsame oo isagu markaas safar ka soo galay had iyo jeerna  u taagan wax u qabashadda caruurta.
Maamulkii Afro-Can SC wuxuu fadliga ciidda guddoonsiiyey naadiga Hamilton Lions kubaddo tiro badan oo lagu tababaro caruurta yaryar, naadiga Hamiltona wuxuu halkaas ka cadeeyey inay yihiin xubin ka mid ah Afro-Can SC waxaana lagu soo dhoweeyey sacab iyo mashxarad.
Dabadeedna waxaa martidii loo soo dhaqaajiyey makhaayadda laga daba dhacay  ee Safari Samosa oo laga helo cunno macaan halkaas oo ay martida ku soo dhaweeyeen Abshir iyo Mohamud Jamaame.

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line