|
Mohamed Bin Hamaam wuxuu u dhashay wadanka Qatar wuxuu ahaa gudoomiyaha uruka kubada cagta ee qaarada Asia AFC. Sanadka markuu ahaa1998 ala ha u naxriistee Faarax Wehliye Cadow (Sindiko) ayaa isku dayay inuu laaloosho Bin Hamaam iyadoo xiligaasi ay socotay doorashooyinka Fifa. Fifa ayaa waxey ku xukuntay Sindiko inuusan qaban Karin wax alaale wixii ku saabsan Sport muddo labo sano ah. Fadlan ka akhriso arrinta Faarax Sindiko web kani (Xigasho play the game www.playthegame.org). Sanadkani 2011 ayaa Bin Hamaam ayaa isu soo taagay inuu isku sharaxo jagada Sepp Blatter oo ah guddomiyaha Fifa wuxuuna is yiri wad iibsan kartaa codeynta marka la bilaabo. Wuxuu heshiis la galay Jack Warner oo ah gudoomiye ku xigeenka Fifa kana soo jeeda Carribean-ka si uu ugu caawino iibka codeynta. Fadeexadii ugu weyneyd ayaa dhacday ka dib markii la soo duubay shir ay isugu yimaadeen xiriirada kubada cagta ee Carribean-ka oo Jack Warner ku dhiira gelinaayo iney ka gudoomaan Bin Hamaam laaloosh. Khiyaanadii Bin Hamaam uu u dhigay Sindiko maanta isaga ayeey heysataa Fifa ayaa ka mamnuucday inuu ebid qaban Karin jago sport ah. Calaacal buu meel walba la maraa uu yiraahada haddan ka soo jeedi lahaa qaarada Europe ama North America ama aan Cadaan ahaan lahaa sidani leyma yeeleen. Soomaalidu ayaa horey waxey u tiri “God Khiyaano ha Qodin Hadaad Qodeysidna ha Dheereen ku Dhici Doontidee lama Oga” Fadeexada Bin Hamaam ka daawo link-ga hoos (Xigasho The Telegraph – England www.telegraph.co.uk) W/D Mohamed Ali Shiikhey
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|