|
Today Ramadan Cup 2010: Ciyaarta kamadambeynta "Final" ee qeybta dhallinyarada ayaa waxaa wada ciyaaray Kooxda da'da yar ee Hilac FC iyo Toronto Stars. Labadan kooxood oo wareeggii kowaad isku qeyb (Group) ahaa ayaa ciyaartii ay wada yesheen waxaa si fudud 2-0 ay guusha ku raacday Hilac. Toronto Stars oo maanka ku heysa in ciyaartaasi lagaga guuleystay ayaa markan si weyn isu soo abaabushay, iyadoo ciyaartooy xirfad leh garoonka la timid. Ciyaartan ayaa waxay ku bilaabantay jawi aad u qurux badan, iyadoo garoonka ay soo camireen taageereyaal aad u u tiro badan, kuwaasi oo badankooda sacabka u tumayey kooxda Hilac. Bilowgii ciyaarta waxaa laba gool ku hormartay kooxda Toronto Stars ee u hogaaminaayey Kamaal Kuusow. Wax xogaa kadib Hilac ayaa iyaduna dhalisay gool. Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 2-1 oo ay ku hogaamineyso Toronto stars. Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa labadan kooxoodba ay weerar aan kala go' lahayn isku qadeen. Ugu dambeyntii waxaa 5-2 ay guusha ku raacday Toronto Stars oo koobkii Ramadan cup 2010 halkaasi kula hooyatay. Waxaa amaan mudan labada kooxoodba ciyaar wanaagga ay soo bandhigeen iyo weliba taageereyaasha Hilac oo kooxdooda aad u dhiirigelinaayey ilaa iyo dhamaadka ciyaarta. W/D Mohamed Busuri
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|