• Fadumo Mohamud Ali Hooyo Hambalyo & Ku Dayasho Mudan

 

Fadumo Maxamuud Cali waa hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Hamilton ee dalka Canada.

Fadumo ayaa waxay magaaladaasi ka ass-aastay koox kubadda cagta ah oo ay ugu magac dartay Hamilton Leons.

Hooyo Fadumo ayaa kooxdan isla iyada tababare u ah, iyadoo tababar joogta ah siisa ciyaartooyda todobaadkiiba 5 maalmood.

Kooxda Hamilton Leons ayaa ka kooban ciyaartooy ay da'dooda u dhaxeyso 12 ilaa iyo 15 jir.

Runtii markii aad tagto garoomada lagu tababaro ciyaartooyda da'da yar waxaad arkeysaa hooyooyin iyagu keena caruurtooda halkaasi, balse isaga carara iyagoo aan xitaa daawan caruurtooda.

Haddaba hooyo Fadumo shaqada ay hayso waa shaqo mudan hambalyo iyo ku dayasho.

Fadumo iyo kooxdeeda ayaa waxay ciyaar saaxiibtino ah la yesheen kooxda Hilac FC ee magaalada Toronto.

Labadan kooxood ayaa waxay soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan oo dadkii u soo daawashada tagay ay aad ugu riyaqeen.

Gabagabadii ciyaarta ayaa waxay guusha raacday kooxda Hilac FC.

Dhamaadkii ciyaarta ayaa Guddoomiyaha kooxda Hilac Cumar Warsame iyo tabareyaasha kooxda Marshaale iyo Dahir Bodaye ay si weyn u dhiiri geliyeen Fadumo iyagoo halkaasi ugu Hambalyeeyay howsha wanaagsan ay u hayso dhallinyaradan.

Sababta ku dhalisay iney Fadumo ass-aasto kooxdan isla markaana ay tababare u noqoto iyadoo maqaal iyo muuqaal ah ka daawo halka sare.

W/ D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line