|
Waxaa magaalada Toronto is diiran loogu soo dhaweeyay xiddigihii kooxda Badda iyo xulka qaranka Diini Nur Abdulqadir. Xafladdan soo dhaweynta ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qaar ka mid ah bahweynta Sportiga ee reer Toronto. Dadkii ka soo qeybgalay xafladan ayaa waxaa ka mid ahaa: Macallim Tuke, Macallim Mussa Nasir, Mukhtar Cuti. Cantar Jeenyo,Cumar Ganjab, Yusuf Shaqaaq, Macallim Bruno, Maxamed Faarax Qambi, Cabdisamed Sh. Qasim, Xassan Xarbi,|Axamed Abukar "Axmadey B", Cabdiraxman Tacbaan, Guddoomiye Nuuraye, Diinay, Cabdulrab Salah, Cabdullahi Yusuf, Suleyman "Boqorka", Abukar Garabey, Mussa Abti, Muxudiin Sheegow,Xaamid "Waaberi Studio" iyo qaar kale Sidoo kale waxaa iyaguna ka soo qeybgalay Universal TV iyo Muqaalka Soomaalida oo ay ka socdeen Maxamed Daahir iyo Cali Bakri, Maxamed Busuri oo u joogay Somali Canadian Times iyo shabakadda xiddigaha.ca iyo Anwar Boondheere. Ereyo soo dhawyn ah ka dib, waxaa halkaasi ka hadlay Diini oo marka hore aad ugu mahadceliyey sida diiran ee loo soo dhaweeyay. Intaa kadib Diini wuxuu si kooban uga sheekeeyay waxayaabihii xusuusta ku reebay intuu ka midka ahaa ciyaartooydii gobolka Kismayo, Naadiga Badda iyo xulka qaranka kubadda Cagta Soomaaliyeed. Ugu dembeyntii waxaa halkaasi lagu cunay casho sharaftii loogu talo galay in lagu soo dhaweeyo Diini. W/D Mohamed Busuri
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|