DIINI NUR ABDIQADIR: DHAMMAADKII LIXDAMEEYO (60th) IYO BILOWGII TODDOBAATAMEEYO (70th) IYO XASUUSTIISA KISMAYO Waxaa habeynimaddii Isniinta ee ay taariikhdu ahayd 3 dii Janaayo , 2011 isugu yimid makhaayadda Karuur ee ku taala magaaladda Toronto bahda reer Jubadda Hoose ee magaaladda Kismayu iyagoo halkaas ku soo dhaweeyey ciyaartooygii caanka ahaa ee Diini Nur Abdulqadir oo ka mid ahaa ciyaartooydii ay Kismayo soo barbaarisay ilaa ay gaaraan heer Qaran.
Diini Nur wuxuu u ciyaaray gobolka Jubadda Hoose 1973 dii ciyaarihii ardayda iyo tii goboladaba oo ay labaddaba ku guuleysteen koobabkii dabadeedna wuxuu u soo wareegay naadigii Dekedaha amase Badda ee Muqdisho, wuxuuna ka mid noqday ciyaartooyda xulka qaranka 1976 wuxuuna noo sheegay in Allaha u naxariistee uu Sheekhaalow ahaa ciyaartooygii uu ka taxadari jiray raacitaankiisa isagoo intaas ku daray in ciyaartii finalka ee goboladda 1973 ee ay isaga horyimaadeen Jubadda Hoose iyo Banaadir sida kaliya ee lagu celin karay Sheekhalow ay ahayd in xoog lagu maquuniyo taasoo sababtay inuu kalxanta ka jabo ka dib markuu saddex jeer birta Kismayo garaacay, Allaha u naxariisto mar kale.
Wuxuu kaloo Diini inoo sheegay inuu aad iyo aad u ilaalin jiray Mukhtaar Cuti oo uu ku tilmaamay Messi gii waagaas iyo Dr. Yusuf Shaqaaq oo uu yiri waxay ahaayeen laba ciyaartooy oo afgaaban oo aan igu kalifi jirin inaan seeftayda (cagta katarabiilka) la soo baxo.
Diini wuxuu ka sheekeeyey heerarkii uu ka soo maray ciyaaraha laga soo bilaabo xaafadda Calanley, naadigii Ente Banane ama Wakaaladda Muuska, Kuju amase Dekedaha ee Kismayu ilaa Naadigii Dekedaha/Badda ee Muqdishu iyo heer qaranba. Wuxuu xusay ciyaartooydii naadiyadda Kismayo u ciyaari jiray lixdameeyaddii ilaa horaantii toddobaatameeyaddii intii uu markaas ka xasuustay.
Akhyaartii halkaas ku soo dhaweysay waxaa ka mid ahaa: Khadiijo Warsame oo ku magic dheer Dhuubo ahna diiwaanka ciyaartooyda Kismayo, Sakiina Karaani, Xaliimo Xasan, Eng. Abdisamed Sheik-Qasim, Salaad Shiino, Cumar Daamish, Abdi Muse, Abdi Alore, Ali Bakri, Aw Baare iyo Busuri oo iyagu ahaa marti sharafta cashadda.
W/D Mohamed Busuri
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line