• Barcelona Oo 3-2 Ku Qararamsatey Real Madrad Spanish Super Cup 2011 Final]

     

BARCELONA-Spain-Camp Nou Stadium-xiddigaha.com Ottawa wed-17-2011-Saaxiibayaal sida ay caadadu inoo ahayd xubinteena cayaaraha waxaynu maanta ku lafa gureynaa ciyaartii xiisaha badneyd ee xalay ka dhacdey garoonka weyn ee Camp Nou ee Barcelona.

Cayaartaas waxaa geeska is darey labada kooxood ee had iyo jeer ka dhaxayso xurgufta waa Barcelona iyo Real Madrid oona ahayd final[Spainsh Super Cup] waxaana ka soo qaybgaley madax iyo dadweyne aad u farabadan oo cagacageynaya in ka badan 70,000 dabcan waxaa halkaa ka maqneyn taageerayaasha waraabowga qaba ee labda dhinac.

Cayaartan oo ku bilaabantey dar-dar iyo ishujuum badan ayaa haddana Real Madrid waxaa maskaxdeeda ka guuxayey lugtii hore ee lagu soo cayaarey Santanta Stadium oo ku soo dhamaatey 2-2 kuna hamiyiyeen iney ka faa’iideystaan cayaartan.

Qaybtii hore cayaarta daqiiqaddii 14-aad waxaaba goolkii ugu horeeyey kaga naxsadey Xiddigga reer Argentiin MESSI laakiin waxaaba markiiba u jawaabey Xiddigga reer Portugal ROLANDO daqiiqaddii 19-aad,waxaabad u maleysaa in la yidhi goolasha is weydaarsada daqiiqaddii 44-aad ayey Barcelona kii labaad u raacisey.
Qeybtii dambe ee cayaarta sidaa Real Madrid kumeyseyxane daqiiqaddii 82-aad Benzema ayaa 2-2 ka dhigey laakiin goolkii naxdinta lahaa ee caraabiyey Real Madrid wuxuu ahaa daqiiqaddii 88-aad xiddiga lugaha dahabka leh MESSI markuu shabaqa ku hubsadey kuna hanteen koobkii Spanish Super Cup] Barcelona-3-Real Madrid-2-.

W/D-Jahuur
xiddigaha.com-ottawa

 

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line