• Eng Bana Oo Xaflad Loogu Qabtay Toronto

 

 

Waxaa magaalada Toronto lagu qabtay xaflad lagu soo dhaweynaayey laguna sii dhaweynaayey la taliyaha wasiirka sportiga Eng Bana Ali Abdalla

Xaflada oo ad u qurux badnayd ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Guddoomiyaha ururka Today Mr. Farah Jamac Nur "Farah Oday"

Xafladan ee uu xiriiriye ka ahaa Hassan Tuke ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad badan oo magac weyn ku leh sportiga Somaliya.

Waxaa xafladan lagu soo bandhigay wax qabadkii Eng. Bana intuu u haayey xilkii Xoghayaha XSKK.

Sidoo kale dadkii halkaasi ka hadlay ayaa aad ugu mahadceliyay Eng. Bana heerka uu gaarsiiyay Kubadda koleyga Somaliyeed.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Farah Oday ayaa halkaasi Eng, Bana ku guddoonsiiya Hadiyad ay bahweynta sportiga ee Toronto ay ugu talo galeen.

Xafladan oo maqal iyo muuqaal ah halka sare ka daawo

W/D Mohamed Busuri

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line