• Xoghayahii XSKK Eng. Bana Ali oo la guddoonsiiyay Lifetime achievement Award

 

 Waxaa Magaalda London abaal marin qaali ah lagu gudoonsiiyey Ex-Xoghayihii hore ee Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliyeed Xilligaan ah gudoomiyaha suuqgeynta Kubadda Koleyga ee wadamada geeska Africa (Fiba Africa zone 5) Eng. Bana C/lla Cali.

Abaalmarintaas qaaliga ah ayaa loogu magac daray " Lifetime Achievement Awards" taasi oo loogu talo galey in lagu aqoonsado shaqsiyaadka waxa wanaagsan iyo daacadnimada ugu qabta wadankooda.

Eng. Baana ayaa abaalmarintana loogu aqoonsadey wax qabadkiisa isbooriga ee uu u qabtey wadanka Soomaaliya, gaar ahaan Kubadda Koleyga tan iyo waxii ka danbeeyay burburkii dagaaladii sokeeye ee dalka.

Waxaa Abaalmarintaan soo qaban qaabiyey Ururuka lagu magacaabo (Somali North America Sports Diaspora) ee ka dhisan Koonfurt America, waxaana si wada jir ah u gudoonsiiyey dhamaan bahweynta odayaasha isboortiga ee London, kuwaa oo ay ka mid ahaayeen, Ahmed shell, Macalin C/laahi Tuke, C/qaadir Isoomareey, Dr Cunaaye, Muriidi Zeno & avv. Hussien Diiriye.

Ma ahan markii ugu horeysey oo abaalmarin nuucan oo kale ah la gudoonsiiyo Eng. Baana, waxaana sandkii hore loo aqoonsadey shaqsigii uga wax qabad wanaagsnaa dhanka isbooriga soomaaliya kasoo ay urur weynaha HAYA gudoonsiiyeen Abaal marin loogu magac daray "Somali Achievement Awards 2011".

Waxaa kaloo sanadkan horaantiisa la gudoonsiiyey abaal marin qaali ah oo ay gudoonsiiyeen Ururka Mideynta Qurbojooga Soomaaliyeed ee UK iyo Ururka TODAY ee ka dhisan wadanka canada, kasoo ay ugu mahad celiyeen wax qabadkiisa daacadnimada ah


 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line