• Afro-Can Oo U Sara Kacday Caruurta

Akhristayaalka iyo dhegaystayaalka  qiimaha iyo qaayaha lahoow waa waa cusub oo inoo bikaacay, waa farxad iyo raynrayn; waa rajo soo noqotay, waa ifafaale muujinaya in abaarta qurbaha, ubadka lumay, loo taag helayo.
Waxba yaanan akhris kugu daalinine, waxaa xaflad aad iyo aad loo soo agaasimay soo qaban qaabiyey naadiga AFRO-CAN SC (African Canadian Soccer Club) oo ay ku midoobeen naadiyadda HORSEED SC, HILAAC SC, SEMCAY  iyo DIXON FC  oo dhammaantoodba ka dhisan magaaladda Toronto. Da’da caruurta ay naadiyadu la soo shir tageen ayaa kala ah: U8, U10, U12, iyo U14.


Haddaba Sabtidii ay September ahayd 10 ka ayaa TOURNAMENT loo bixiyey “ Eidul-Fitri One Day Tournament” oo ay ka soo qayb galeen naadiyadda HORSEED SC, HILAAC SC, DIXON FC, iyo waliba naadiga HAMILTON FC (U12 & U14) lagu qabtay garoonka loo yaqaano MONTREAL (School of Experimental Education - SEE) ee ka soo horjeeda makhaayadda ISTAR. Waxaa halkaas ka dhacay ciyaaro saaxiibtinimo oo aad u xiiso badan, qado BBQ oo hogaanka u hayey GACAL iyo gabdho yaryar oo VOLUNTEERS ah khayr badan dhammaantood Allaha siiyee. Waxaan la hilmaameynin makhaayadihii qaybta weyn ka qaatay quudinta caruurta iyo dhammaan ka soo qaybgalayaashii xafladan: Banaadir, Etop, Istar, Al-Uruba, Maye, Bilaal, Weston BBQ.


Waxaa xusid mudan ciyaartooyda ka timid Hamilton oo la ciyaaray xulka AFRO-CAN SC U12 oo ku kala baxay barbaro (1-1) iyo U14 oo ay Hamilton ku badisay 2-0.
Waxaa xiritaankii xafladda ka soo qaybgalay Dr. Shafiq Qaadiri, MPP Etobicke North, xubno matalayey xafiiska Ms. Donna Cansfield, MPP Etobicoke Center; macalimiintii, garsoorayaashii, ciyaartooydii hore ee barisamaadka iyo waalidiin tiro badan. Waxaa halkaas laga bixiyey koobabkii iyo abaalmarinaddii horyaalkii soo socday 5 ta bilood.


Waxaa wajiyadda caruurta laga akhrinayey farxad iyo damaashaad tiro badan. Xubnaha barlamaanka Ontario ayaa abaalmarino shahaado sharafyo ah gudoonsiiyey maamulkii iyo tababarayaashii caruurta.
Maamulka iyo tababarayaasha naadiyadan waxay mahad weyn u celinayaan waalidiinta caruurta gaar ahaan hooyooyinka oo siiyey fursid aad qaali u ah caruurtooda.

Sawir Qaade: Mohamed Ganey




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line