• Windsor Haloo Duceeyo

 

Today Somali Soccer Week Cup 2011. Waxaa ciyaar ka tirsan tartankani isaga hor yimid kooxda Somali United oo iyadu ku guuleysatay koobkan sannadkii 2010, iyo kooxda Windsor.

Bilowgii ciyaartaba labadan kooxood waxay soo bandhigeen ciyaar aadu rali galisay dadweynihii usoo daawashada tagay.

In yar markii ay ciyaarta socotay ayaa kooxda Somali United ay hashay rigoore (Penalty), has yeshee goolhayahii kooxda Windsor ayaa rigoorahaasi qabtay.

Wax xogaa kadib Somali United waxay dhalisay goolkeedi ugu horeeyay.

Qeybtii hore ee ciyaartana waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ku hogaamineyso United.

Taagereyaasha Windsor ayaa filayay in qeybta labaad ay kooxdooda iska soo gudi doonaan gookaasi.

Nasiib darro rajada taagereyaashan waxay dhamaatay 10kii daqiiqo ee ugu horeeyay ee qeybtii labaad ee ciyaarta, kadib markii Somali United ay goolal isdaba joog ah ay halkaasi ka dhaliyeen.

Markii ay ciyaarta mareysay 7-0 ayaa qaar ka mid ah taagereyaasha Windsor ay garoonka isaga darereen, iyagoo u duceeyey kooxdooda in ciyaarta mar un ka dhamaato intii aan 10 gool laga dhalin!

Ugu dambeyntii waxay ciyaartan ku dhamaatay 7-0 oo beerka loo galiyay Windsor.

W/D Mohamed Busuri



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line