|
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada lagu qabtay tartan kubadda cagta ah. Tartankan oo sannadkiiba mar la qabto ayaa waxaa isaga horyimid dhallinta cuslaatay ee Washington DC iyo rer Toronto.
Ciyaartooydii u soo safatay labadan kooxood ayaa waxay u badnayeen, ciyaartooy magac weyn ku lahayd ciyaarta kubadda cagta ee dalka Soomaaliya wagii nabadda. Wixii weerar iyo weerar celin leesku hayaba kooxda Washington DC ayaa 2-0 ugu awood sheegatay kooxda Toronto.
Kullankii labaad ayaa labadan kooxood wada ciyaari doonaa maalinta Jimcaha insha allah.
Reer Washingto waxaa ku fillan oo keliya iney bar bardhac galaan ama 1-0 lagaga badiyo, si ay koobka u qataan. Halka Toronto ay iyagu ku qasban yihiin iney ku badiyaan 3-0 si aan koobkaasi Toronto looga qaadin.
W/D Mohamed Busuri |
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|