• Siinaay FC Koobka Nabadda ee Hirda

Koobka Nabadda ee Hirda Peace Tournament oo soo gaba gaboobay Koob ay ku tartamayaan kooxo ka dhisan gobolka Mudug oo loogu magac daray koobka nabadda ee Hirda ayaa ku soo gaba gaboobay Garoonka kubada cagta ee Cawaale Stadium. Koobkani ayaa waxaa soo agaasimay Ururka Hirda ee ka shaqeeya arimaha bulshada, waxaana gobolka ka hirgeliyay Naadiga Cayaaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Koobkani waxaa uu si toos ah u bilowday 17-kii bishan September wuxuuna soo gaba gaboobay 21-kii oo ku beegnayd maalintii shalay oo ahayd maalintii nabadda adduunka. Intiii uu koobkani socday waxaa cayaari ay wada dhexmartay dhamaan kooxihii ka qeybgalay oo kala ahaa Nabadda FC, Roogga FC, Siinaay FC iyo Sunni FC. Cayaartii ugu horeysay waxaa is arkay Nabadda FC iyo Siinaay FC, waxaana 2-1 ay guushu ku raacday naadiga Siinaay FC. Cayaartii labaad ayaa dhexmartay Sunni FC iyo Roogga FC, waxayna halkaasi guusha ku raacday Sunni FC oo ku badisay 3-1. Cayaartii kama dambeysta ee Final-ka waxaa isugu soo haray Sunni FC iyo Siinaay FC, waxaana 1-0 ku badiyay Naadiga Siinaay FC. Cayaartaas Final-ka ahayd ayaa ahayd mid aad iyo aad u adkayd, waxaana u soo daawasho tagay dadweyne aad u farabadan oo xiiseynayay in ay arkaan guusha ay kala qaadanayaan labada naadi. Gabagabadii cayaarta waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Isboortiga Gobolka Mudug Cabdi Hodan Cali Dayaxleef oo aad u soo dhoweeyay cayaartii Final-ka ee dhexmartay labada naadi, wuxuuna u mahad celiyay naadiyada cayaarayay oo uu sheegay in ay soo bandhigeen cayaar wanaag asluubeysan oo laga sugayay. Wuxuuna u mahad celiyay Ururka Hirda ee barnaamijkani soo agaasimay. C/qani Carabay oo ahaa Wakiilka Hirda ee tartankani ayaa ka mahad celiyay sida wanaagsan ee uu usoo socday una soo gaba gaboobay tartankan oo loogu talo galay maalinta nabadda adduunka, wuxuuna sheegay in barnaamijyada noocani oo kale ah ay sii wadi doonaan.hirda waxaa diyaariyay cawil mohamud

Wabilaahi Towfiq

Abdiqani Khalif Ahmed ( Carabey )

Tel: +25290621638

Galkayo Somalia


 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line