• Xulka Gabdhaha Kubadda Cagta Oo Markii Ugu Horeysey Ku Guuleystey Bilad Dahab Ah(Pan America Gameey)

Pan America-Oct-30-2011-xiddigaha.com-Ottawa-Saxiibayaal faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu maanta ku jibaaxaynaa ciyaarihii todobaadyainba ka socdey Pan Am(PAN AMERICA GAMES) oo soo gabagaboobey.

Haddaba ciyaartii kamadambeysta ahay(FINAL) ayaa xalay waxaa madaxa isla galey xulka gabdhaha qaranka ee Canada iyo Brazil waxayna ahayd ciyaar aan waxaba la isu reen.
Bilow ayaa ka soo wareegtey markii xulka qaranka gabdhaha ee Canada kala soo noqdeen ciyaar xumo ciyaarihii kubadda cagta gabdhaha ee aduunka laguna qabtey waddanka Jarmalka.

Canada waxay markii ugu horeysey geed u fuushey in ku guuleysato Bilad dahab ah khamiistii markii ay u soo sabirtey 120-daqiiqo aakhirkiina rigoorayaal(PENELTY) ku khaarijisey Brazil kana tirsaneyd Pan America Games.
Kabtanka(CAPTAIN) xulka gabdhaha qaranka ee canada Christine Sinclair ayaa daqiiqaddii 88-aad u xaqiijisey goolkii bar-bardha ah una suurta galisey 4-3 iney ku guuleystaan oo ahayd rigoorayaal.
Runtii xulka gabdhaha ee baraasiil oo soo bandhigey ciyaar aan xag kastaba ka dhisneyd una suurtagelisey iney 1-0 ku hogaamiyaan nasiibdarose ay biladda dahabka ku waayaan cayaata oo ka hadhsan 2-ba daqiiqo kaliya.

waxaa xusid mudan gabadha goolka u haysey xulka Canada Katarine Leblanc oo wacdaro muujisey xulkeedana ugu deeqdey markii ay badbaadisey goolkii biladda dahabka ee qoorteeda u sudhan.


W/D-Jaahuur-Ottawa
 
xiddigaha.com


 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line