• Luis Suarez oo 8 Kulan Iyo 40-Kun oo Gini la ganaaxay ka dib Markii uu Caay Iyo Cunsiriyad Kula Kacay Patrice Evra

     

London-Dec-23-2011-xiddigaha.com-Ottawa-Saaxiibayaal qubanaheena ciyaaraha waxaynu ku soo qaadaneynaa laacibiinta baahidu keentey ingiriiska oo jeebadda kala soo baxay cunsiriyad markii ay diiftu ka yar huleeshey.

Haddaba waxaa baryahamba ingiriiska hadheeyey cunsiriyad ka dhex bilaabatey kooxaha waaweyn ee ka dhisan ingiriiska haddii aynu soo qaadano ciyaar dhexmartay LiverPool iyo Man united Oktoobartii aynu soo dhafney 15-keedii ayaa labada laacib ee kala ah Suarez LiverPool iyo Evra Man United waxaa ka dhex dhacav fara isku tag taag waxaana erayo xun xun oo cusiriyad ah isticmaaley Suarez oo reer Peru.

Haddaba aXiddigan difaaca uga ciyaara Man United Evra ayaa markiiba dacwoodey,baadhitaan muddo dheer qaatey waxaa Suareza lagu heley danbigan waxaana la ganaaxay 8-eed kulan inuuna ka soo xaadirin iyo 40-kun oo Gini.

Laacibkan oo aad u edebdaran ayaa markii uu u ciyaarijiey kooxda caanka ah ee AJEX ee reer Holland uu ka qaniiney dhegta laacib kale oo ay markaa ciyaar iskaga soo horjeedeen.

W/D Jaahuur-Ottawa

xiddigaha.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line