• Islam Feruz Oo Ku Biirey Naadiga Chelsea

Saaxiibayaal qubanaheena ciyaaraha waxaynu maanta ku soo qaadaneynaa ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee da’yar (ISLAM FERUZ)

Islam Feruz wuxuu ku dhashey Soomaaliya 10-09-1995 burburkii ka dhacay
Soomaliyaa lix jirkiisii caa’ladiisii iyo isagaba waxay ka soo
firxadeen Soomaaliyaa waxayna na siib u yeesheen iney soo gaadhaan
(SCOTLAND) qoxootinimo.

Islam Feruz iyo faamilkiisa iyag oo qar-qarka u saaran in Soomaaliya
lagu celiyo,nasiib wanaag Tommy Burns oo wakhtigaa tababare u ahaa
naadiga (CELTIC] ayaa arkey mucjisadan yar ee 10-jirka ah ee kubadda
sida uu rabao u maamulanaya kubadda,isla markiiba tababaraha iyo
maamulka naadigu waxay xafiiska arimaha dibadda ka codsadeen in
degaanaasho la siiyo weyna u meel martey Islam Feruz iyo qooskiisiiba.

Haddaba 19-an jirkiisii waxuu u saftey naadiga weyn ee Celtic oo soo
babaarsatey,guulobadan uu la qaybsadey naadigiisa ayaa waxaa cajaaib
badneyd koobka lagu magacaabo Nordic Cup todobadii Game ama ciyaarood
ee ugu hareeyey inuu dhaliyo 6-Gool.

Islam Feruz horumaekaa uu sameeyey waxaa soo hunguriyeeyey oo damac
galey naadiyada waaweyn ee kala ah Man United,Man City.Chelsea,Arsenal
iyo Real Madrid,haddaba ciyaaryahakan da’dayar ee Soomaaliyeed waxaa
nasiib u yeeshey oo la soo wareegtey naadiga Chalsea mushaharkiisuna
waa £2500 wiigiiba (Aweek) Islam Reruz iyo faamilkiisuba waxay
haystaan dhalasho Scotish ah isna waxaynu ilaahay uga rajeyneynaa inuu
halgankiisa halkaa ka sii wado.

W/D Jahuur-Ottawa

xiddigaha.com

jahuur@gmail.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line