| Shirweynahii Fiba Africa oo dhowaan ka dhacey magaalada BAMAKO ee wadanka Maali ayaa noqdey mid taariikh u ah umada soomaaliyeeed, gaasatan xoghayaha guud ee xiriirka soomaaliyeed ee kubadda koleyga Eng Baana Cabdalla Cali. Haddaba waxaa shirkan Soomaaliya ugu geybgaley xoghayaha guud Eng Baana, waana markii ugu horeysey oo qof soomaali ah ama ergi ka socda xiriirka kubadda koleyga soomaaliyeed uga qeyb galo shirkan noocan oo kala ah, kaas oo afartii sano mar la qabto. Waxaa sharaf mudan in Eng Baana loo doortey gudoomiyaha suuqgeynta waddamada Afrikada bari ama sida loo yaqaan (zone 5), isla markaana noqday gudoomiye ku xigeenka kuwaad ee FIBA Africa arimaha suuqgeynta. waana qofkii labaad ee Soomaaliyeed ee heerkan caalamiga ka galey taariikhda isboortiga soomaaliyeed.
“waa arin aad loogu farxo, hadey noqon lahey mid shaqsiyadeed ama mid wadaninimo. Guushaan aan hada soo gaarney waa mid dhamaan umada soomaaliyeed meelkasto ay joogaan aan wadaagno, waayo magaca soomaaliya ayaan matalayaa marka aan fagaaraha caalamiga joogno. Aad iyo aad ayeyna sharaf ii tahey inaan wadankeyga matelo una dagaalamo waxii xaquuq aan ku leenahey qaarada Africa ama aduunkaba hadii ilaahey raali ka dhigo. Waxaana ilaahey kasokow aan aad ugu mahad celinayaa dhamaan bahweynta isboortiga soomaaliyeed meelwaliba ay joogaan oo runtii aad iigu taageerey sidii wax loogu qaban lahaa hor u marka isboortiga soomaaliyeed ” ayuu yiri xoghayaha. Eng Baana waxuu marwaliba aad isugu taxluujiyaa sida calanka soomaaliyeed uga muuqan lahaa fagaaraha caalimiga isla markaana dib loogu soo celin lahaa sharaftii kubadda koleyga soomaaliyeed ku leheyd qaarada Afrika, qaasatan wadamada geeska Africa ( Zone 5). Waana arin loo baahan yahey in qofwaliba oo soomaali ah, qaasatan bahweynta isboortiga in ay is ku dayaan sida ay ugu hor marin lahaayeen isboortiga soomaaliyeed iyagoo ka eegaya danta guud madaama uu wadanka bur bur badan soo gaarey. Ma ahan markii ugu horeysey oo waxqabad noocan ah u qabto xoghayaha, waxaa isaga iyo saaxiibkii Cumar Mohamed Cumar (Cumar Anyeelo) ilaahey janadii fardowsa haka waraabiyo, ayaa markii ugu horeysey soo aruuriyey dhalinyaro soomaaliyeed oo ka kala timid qaarada yurub iyo north America ayagoo ka qeybgeliyey tartamo caalami ah oo ka kala dhacey wadamada Kenya iyo Marocco ayagoo matelaayo xulka qaranka ee kubadda koleyga soomaaliyeed. Waana markii ugu horeysay oo koox soomaali ah kaga qeybgasho tartamada caalimiga dagaaladii sokeeye ka dib. Halkan ka Daawo Shirkii FIBA
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|