• Xulka Qaranka Itoobiya Oo 5-0-Ku Qanacsiiyey Xulka Soomaaliya

     

 

Addis-Ababa Stadium-Ottawa-Nov-16-2011-xiddigaha.com-Akhyaartay barnaamijkeena ciyaaraha waxaynu ku lafagureynaa isreeb-reebka koobka aduunka ee qaaradda Afrika oo si habsami ah u socda.

Aynu ku soo qaadanno Soomaaliya iyo Itoobiya oo aan waxba isu reeban,waxaynu ka dharagsanahay in lugtii hore lagu ciyaaray wadanka Jabuuti kuna dhamaatay -0-0-haddaba maanta oo ay Arbaco ahayd ayey lugtii labaad ku kulmeen laguna ciyaarey caasimadda Itoobiya ee Addis-Ababa.

Shaki kuma jiro in xulka qaranka uu sannado badan la daalaa dhacayey waddan uu isboortigiisii dhabarka ka jabey oo kolba meel u barya tagayey iney tababar ku qaataan haddana dadaalkoodu ma xumeyn,halka xulka Itoobiya tababarka Jeermani ku qaateen.

Haddaba ciyaartan oo aad u xiisa badneyd ayaa waxaa ka soo qaybgaley dadweyne aad u soo buuxiyey garoonka iyo taageerayaasha labada calan kala lulayey oo runtiina garbaha iskuhayey iyo madax lagu casuumey ciyaarta.Hadal iyo dhamaantii ciyaartu markey bilaabtey tobankii daqiiqo hore mooyaane wixii ka dambeeyey xulka Itoobiya oo lagu magacaabo Ocean Stars ayaa jaanta isla heley oo dhinac kastaba garoonka iska maamulanayey taas oo ka timid inuu xulka Soomaaliya dhinac kastaba ka liitey siiba xagga difaaca,taasna waxaa kuu caddeyneysa markii-5-0- lagu qanacsiiyey.

Waxaana xulka qaranka Itoobiya(Ocean Stars) goolasha u kala saxeexay Shemeles Bekele,Getaneh Kebede,oo min laba gool kala dhaliyey kii shanaadna waxaa ku sagootiyey Omod Akwury.
Ocean Stars oo ka soo faraxashey xulka Soomaaliya waxay isku soo aadanyihiin Xulka South Afrika.Waa jaahuur oo idinleh sidaa iyo ismaqal dambe oo xiise leh haddii eebe ka dhigo.

W/D Jaahuur,Ottawa, xiddigaha.com


 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line