|
Beijing Aug 20,2011(xiddigaha.com)Akhyaartay qubanaheena ciyaaraha waxaynu maanta ku eegeynaa xagaaiyo China, Kooxda Kubedda Koleyga ee Georgetown Hoyas ee Washington ayaa ciyaar saaxiibtinimo waxa ay la yeelatay shalay koox la yiraahdo Bayi Military Rockets,ciyaartaas oo ku bilaabatay si xanaaqad badani ku dheehan tahay ayaa markii danbe isku rogtay dagaal. Buuqa ayaa bilowdey ka dib kolkii ciiryaha reer China ahi uu ku joogsaday mid Mareykan ah oo dhulka ku dhacay,ka dibna waxa garoonka isku shubay gebi labadii kooxoodaba oo feedh iyo kuraasi isla dhacay. Labada dal ayaa dhawaan madaxdoodu warbaahinta isu marineysay eedo dhanka dhaqaalaha dunida ku saabsan,iyada oo China ay u muuqato in ay dhanka dhaqaalaha dhawaan uga hor mari doonto Mareykanka. Labada dal ayaan midkoodna iminka ka hadal dhacdadan,mana cadda halka xaal ku danbeyn doono W/D-Jahuur xiddigaha.com jahuur@gmail.com
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|