|
Waxaa magaalada Toronto casho sharaf soo dhaweyn ah loogu sameeyay xiddigii hore ee kooxda Dekadaha(Badda) iyo xulka kubadda cagta Cawad Xassan Cabdo"Cawad Budhi". Casho sharaftan oo ay si weyn u soo qaban qaabiyeen bahda sportiga reer Toronto, ayaa waxaa daadihinaayey Bashi Cali Bashi. Ugu horeyntii waxaa halkaasi Aayado quraan iyo ereyo waano ah halkaasi ka soo jeediyay Sheekh Qalaafe. Intaa kadib waxaa iyaguno halkaasi ka hadlay Macallim Tuke, Macallim Muuse, Axmed Ciid, Cantar Jeenyo, Cumar Ganjab, Cali Gurey, Salaad Shiino, Mukhtar Cuti, Aaw Baari, Maxamed Maxamuud "Trumbo", Cabdisamed Sh. Qasim, Xassan Tuke iyo Xassan Xarbi oo halkaasi Cawad ku guddoonsiiyay funaanadda(Maaliyada) kooxda Horseed, Dhamaan dadkii halkaasi ka hadlay ayaa waxay si weyn isugu raceen inuu Cawad ahaa ciyaartooy ay xirfaddiisa u dheer tahay asluub wanaag. Ugu dambeyntii Mudane Cawad ayaa hadalka qabsaday isagoo si weyn uga mahadceliyay bahweynta sportiga reer Toronto sida weyn ee ay u soo dhaweyeen. Xafladan oo ay goob joog ka ahayeen dadweyne aad u tiro badan ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay warbaahinta ay ka midka yihiin Universal TV, Codka Beesha Toronto, Xiddigha.ca, Somali Canadian Times iyo Boondheere. Dhanka kale habeenimadii Talaadada oo ay bishu ahayd March 15, 2011, ayaa haddana Cawad loo qaban qaabiyay ciyaar kubadda cagta ah. Ciyaartan ayaa waxaa isaga horyimid koox Talyaani ah iyo koox ay horkacayeen Guddoomiye Nuuraye iyo Diinay. Ciyaartan oo aad u xiiso badnayd ayaa ugu dambeyntii kooxda Somalida ee reer Toronto ay guusha ku raacday 3-1. W/D Mohamed Busuri
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|