| 
Botswana-Nov-03-2011-xiddigaha.com-Ottawa-Akhyaartay qormadeena cayaaraha waxaynu maanta ku eegeynaa xulka qaranka Botswana oo aan waligood ka soo agdhawaan u soo bixidda koobka aduunka iyo Afrika nation cup maxaa haddaba tababarahooda Stanley Tshosane u qarsoon?
Xulkan ayaa ku jira Group-D- oo kala ah Botswana,Mali,Ghana,iyo Guinea,taas oo ciyaarta ugu horeysa foodda isdari doonaan 24-01-2012 Ghana,haddaba horyaalkan Africa Cup Of Nation oo aan fari ka qodneyn ayaa tababare Stanley balan ku qaadey iney u soo bixidoonaan.
U soo bixidda waa kaambeyn aan ka soo shaqeeyey iyo xirfado badan oo aniga ii qarsoon oo aanan dooneynin inaan hadda ka hadlo sidaana waxaay ka soo yeedhey tababare Stanley,wuxuuna intaa raaciyey ardeygu hadduu isu diyaariyo imtixaanka shaki kuma jirayo inuu gudbayo.
Waxaa na haysta dhaqaalo la’aan waaxaan jeclahay inaan dowladdayada weydiisano dhaqaale badan si aanu godadka badan iskaga gufeyno sidaana waxaa ka dhawaajiyeyoo BBC-na u sheegey gudoomiye ku- xigeenka xiriirka kubadda cagta ee Botswana (BFA) Botswana Football Association Dintle Mphele.
Haddaba Saxiibayaal Tababare Stanley waxay ciyaarta ugu horeysa madaxa isgalindoonaan Ghana Francevilla Stadium ciyaarta ugu dambeysana waxay isku macasalaameydoonaan Mali waxaynu eegnaaba balanqaadyada badan ee uu Tababare Stanley u sheegey BBc-da.
W/D-Jaahuur
xiddigaha.com-Ottawa
|


Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|
|