• Soo dhaweyntii Biixi Iyo Faysal Ee Magaalada Toronto

 

Waxaa magaalada Toronto, Canada lagu qabtey Casho sharaf iyo Ciyaar saaxiibtinimo oo lagu soo dhaweenayey Biixi iyo Faysal oo ahaa laba laacib oo ka tirsanaan jirey kooxda caanka ah ee Somali Stars.

Somali Stars waxay kamid ahayd kooxihii ugu horeeyey ee Soomaali ah ee laga aas aasay qurbaha. Sannadkii 1993 ayaa magaalada Toronto ee dalka Canad lagu aas-aasay kooxda Somali Stars.

Kooxdaan oo koobab badan qaaday muddo yar gudaheeda, waxaa aasaasideeda qeyb weyn ka qaaatay tababarena ka ahaa tababaraha caanka ah ee Macalin Khaliif.

Labadaan laacib oo kala ahaa Abdiaziz Ali Bihi iyo Faysal Mohamed Mohamud (faysal tuun), waxaa casho sharafta iyo ciyaartaba ka soo qeyb gelay ciyaartooy aad u badan iyo tabo barayaal heer qaran iyo heer seria A intaba ah.


Waxaa ka mid ah ahaa dadkii kasoo qeyb gelay soo dhaweenta labadan ciyaartooy ee qaaliga ah, Macalin Tuke, Laacibkii Jeenyo iyo Qaranka Soomaaliya Mohamed Xaaji Uurey, laacibkii Waxool Abdi Aden, Guduumiye ku xigeenka xiriirka kubada cagta ee Soomaaliya Cabdirashiid Bakin, Laacibkii Jeenyo Mohamed Muxiyadiin (Guutaale),
Guduumiyihii Somali Stars Liibaan Baashiir, Guduumiyaha Today Mohamed Faarax, Guduumiye Bashiir Xiis, Abdinasir Algore, Abdulqadir Muse Xuseen (Nuuraaye), Abdirahma Tacbaan, Baashe Ali Baashe, Burhaan marayare, Joof, Mohamed Tuke, Laacibkii kooxdii waxool iyo jeenyo Abdulaahi Buule, Cade, Ganey, Cadare, , Sharmarke Duale, Mohamud Ajax,
Sharmarke Baraxow, Burhan Boqorka iyo laacibiin badan oo halkaan lagu soo koobi karin.

Waxaa kaloo cashadaan iyo ciyaartaba ka soo qeyb gelay qaar ka mid ah laacibiintii ay faysal iyo Biihi isla bilaabeen kooxda Somali Stars sida: Ali baaba, Deeq Xalane, Abdixakiin Hurre (ottawa), Xalane Shiidle, Burhaan Yare, Sheekh Mohamud, Abdinasir Algore.

Barcelona VS Ciyaalka Xaafadda

Ciyaartii saaxibtinimada ee loo qabtay Bixi iyo Faysal waxaa wada ciyaaray kooxda Somali Stars iyo Iftin.

Somali Stars ayaa waxaa tababare u ahaa Nuuraye, iyadoo ay hogaaminayeen Guutale, Burhan Yare, Faysal Tuun, Sharmarke Ducaale iyo deeq Xalen.

Halka Iftin ay horkacayeen Sharmarke Baraxow, Biixi, Abdihakim Ottawa iyo Xalane Shiidle.

Ciyaartan oo ku bilaabantay jawi aad u qurux badan, ayaa waxaa si weyn looga gacan sareeyay kooxda Iftin.

Ciyaartooyda kooxda Somali Stars ayaa waxay doonaan garoonka ka sameynaayey iyadooba ay u muuqatay iney wada ciyaarayaan kooxda Barcelona iyo Ciyaalka xaafadda.

Gabagabadii ciyaarta ayaa waxaa si xarago leh ay guusha u raacday Somali Stars. Xiddiga garoonka ayaa waxaa ahaa ciyaartooygii hore ee Jeenyo Mohamed Muxiyadiin (Guutaale).

Halkan ka daawo sawiradii ciyaarta

W D Deeq Xalane

Sawir/Filim Qaade Mohamed Ganey

 

 

 

 

 

 

 

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line