
Ciyaaryahan Xasan Xaaji Maxamed oo loo yaqaan "Xasan Atroos" AMA "Xasan Waraabe Cadde" oo ka mid ahaa Ciyaaryahanadii soo maray Xulkii Kubada Cagta Mad-bacada Qaranka ee xilligii bari-samaadka, kana mid ah halyeeyada Isboorti ee Qurba joogta ayaa wareysi xiiso badan kaga warbixiyay Taariikhdiisa ku aadan dhinaca Isboortiga.
Xasan Waraabe Cadde oo ku sugan Magaalada Hargeysa ee dhulka Soomaaliland oo la hadlay Radio Wehel "Barnaamijka Todobaadka iyo Xulka Isboortiga", ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay dhaq dhaqaaqa Isboorti ee ka jira dhulka soomaaliland, iyo safar uu dhawaan ku tagay deegaankaasi, asigoona halkaasi gaarsiiiyay Qalab Isboorti.
Waxa uu ka sheekeeyay Kulan aan horey loo shaacin oo Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta iyo kan Soomaaliland ku dhex maray dhawaan Magaalada Hargeysa, kaasi oo lagu gaaray heshiis labada dhinac ah.
Waxa uu eedeyn u jeediyay Madax ka tirsan Maamulka Isboortiga Soomaaliya, Asigoona Amaanay xubno Qurbo joog ah, waxa uuna dhinaca kale soo dhaweeyay Ururka Bad-Baadada Isboortiga ee ka dhisan Magaalada Muqdisho.
Wareysigiisa oo dhameystiran halka hoose ka dhageyso.

|


Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|
|