
1)Dr. Cali Cusmaan Cali.........Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka
2)Aweys Fundi ..........Madaxa Farsamadda eeG/Isboortiga
3)Inj.Cumar Shkhey...............Gudoomiyaha Jaaliyadda Atlanta
4)Aaden Sanbul.....................Madaxa Maaliyadda ee Jaaliyadda
5)Maxamed Shekh...............Xubin Guddiga Jaaliyadda
6)Ibrahim Maxamed............Madaxa Raadiyo Qaran ee Atlanta.
7)Nafiso Cali........................Gudoomiyaha Haweenka Atlanta.
8)Samio Cabdulaahi...........Madaxa Hawenka iyo Caruurta
9)Awo Raghe......................Madaxa Hawenka iyo Caruurta.
10)Awys Axmed Cali..........Ka socday Jaaliyadda Sacuudiga.
11)Prof. Mike Spino...........Khabiir Isboorti iyo Macalin Jaamacadeed.
12)Drew mearns...............Khabiir Isboorti iyo Macalin Jaamacadeed
13)Isaac Biwott.................Tababare Ciyaaraha Fudud.
Waxa ugu horeentii shirkaa khudbad dheer ka jeediyey Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka Dr.Cali Cusmaan Cali,waxaana ugu horeyntii uga mahadceliyey ka soo qeybgalayaashii sidii ay uga yeeleen Casuumaada uu u fidiyey,waxa kaloo uu carabka ku dhuftay muhimadda uu shirkaan leeyahay madaama uu diiradda saaraayo Horumarinta Isboortiga iyo waxbarashadda ee la doonaayo in laga hirgeliyo Goboladda Dalka inta ay awooda saamaxeyso annagoo kala khaashan doona inta nala garaneysa qodobadaasi doorka ay ka qaaadan karaan soo celinta nabadda iyo kala dambeynta, waxaana uu Dr. Cali Cusmaan Cali sheegay in ugu horeentii aanu ka bilaabi doono Gobolka Benaadir oo ah Caasimadda Dalka Soomaaliyeed oo waayahaan dambe gaartay Horumar la taaban karo.taa oo uu mas'uuliyadeedu leeyahay Mudane MAXAMUD AXMED NUUR(TARZAN) OO AH GUDDOMIYAHA GOBOLKA BENAADIR AHNA DUQA MAGAALADDA MUQDISHU oo runtii u huraay waxa alla waxii awood uu dastuurka u saamaxaayey.

Guddoomiyaha gobolka banaadir,Ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan)
Waxaa uu diiradda saaray ka qeyb galkii tartankii Kubadda Koleyga ee Caasimadaha Afrika ee lagu qabtay Magaaladda Nayrobi ee dalka Keenya,waxa dib loo soo nooleeyey Ciyaarihii Hiddaha iyo Dhaqanka uu Gobolka Benaadir lagu yiqiin,waxa loo ololeeyey soo celinta Nabadda iyo kala dambeynta,waxa la hor istaagay kuwa been abuurka ku sameeyey Lahaanshaha Dhulka,waxa Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaaladda Mudane TARZAN uu mar kastaba qalabka warbaahinta u mariyaa Dadweynaha ku nool Gobolka Benaadir in Horumar kastaba uu ku xiran yahay sida dadweynaha ay isaga khaashadaan sidii looga mira dhalin lahaa hadafka uu Gobalkaan leeyahay.

Dr. Cali Cusmaan Cali ayaa waxa uu ka warbixiyey taarikhda dheer uu u leeyahay Dawladda ee xamar isagoo la soo shaqeeyey Duqowdii Magaaladda Muqdishu laga soo bilaabo 1971,kuwaa uu ka mid ahaa Cumana Maxamuud Jeele,Xasan Abshir Faarax,Cabdulaahi Salaad,Marxuum Abuuraas,Cali Ugaas Cabdulle.Marxuum Siid Cali iyo Marxuum Jeneraal Jilicow,waxaana uu cadeeyey Dr. Cali Cusmaan Cali in Mudane TARZAN waxqabadkiisa iyo xilliga lagu jiro uu noqon doono mid ay taarikhda Ummadda Soomaaliyeed wax weyn ay ka qorto siiba miida Gobolka Benaadir,waxa kaloo uu Dr. Cali Cusmaan hore u soo qabtay Gudoomiyaha Isboortiga ee Gobolka benaadir oo horumarinta Gobolkaaso wax weyn ka soo qabtay,waxaana uu Dr. Cali Cusmaan ugu dambeyntii ugu hambalyeeyey waxqabdaka la taaban karo uu muujiyey Mudane TARZAN isagoo ku booriyey in u adeegidda Ummadda Soomaaliyeed ee dhibaatadda la baday ay qof kastba xaq ku tahay in uu meeshiisa ka qabto,waxaana uu Dr. Cali Cusmaan Warbixintaasi ku muteystay sacab aad u fara badan.


Waxaa kaloo halkaa ka hadlay Khubaro Isboorti iyo aqoonnyahano u dhalatay dalkaan Mareykanka oo cadeeyey in waxii awoodooda ah aysan ka hagran doonoin,sida kale Guddiyadda ka kala socda qeybaha bulshada waxay ballnqaadeen in ay diyaar u yihiin in ay ka soo dhalaalaan qeyntii kaga soo aada horumarinta Isboortiga iyo waxbarashadda ee Goboladda,iyado xubno ka mid ah Guddiga Isbbortiga iyo dhaqanka ay ku mashquulsan yihiin in ay la xiriiraan Gobolo kale si iyagana loogu raadin lahaa mashruucyo horumarineed ee Goboladaasi.

Waxaana uu shirkii ku soo gabagaboobay si heer sare ah.
|