|
Kooxda kubadda cagta ee 918 ayaa iyadu si xarrago leh ugu guulaysatay koobkii kubadda cagta ee lagu maamuusayay munaasabadda bisha barakaysan ee Ramadaanka kaddib markii cayaartoodii kama dambaysta ahayd ay foodda is dareen kooxda Ac Milan oo iyaduna ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan ee ka dhisan gobolkan Minnesota(USA). Tartankan isaga ah ayaa waxaa uu soo billowday horraantii bisha Ramadaan, waxaana ka qaybgalayay 8 kooxood oo ka dhisan gobolka Minnesota kuwaasi oo kala ahaa: TC stars,Via Roma,North Star, 1921,Xiddigaha, 918, Honda Team iyo Edenpraire,waxaana muddadii ay socdeen ay ahaayeen mid daawadayaashu ay si aad ah u soo camirayeen garoonka.
Abaabulka tartankan ayaa waxaa iska lahaa 2 dhallinyaro oo iyagu waqti badan u huray qabsoomidda tartankaasi , waana dhallinyaro maamuus weyn ku leh bulshada isboortiga ee gobolka Minnesota kuwaasi oo kala ah: Abdullahi Maxamed Osman oo ku magac dheer (Abba) iyo Cabdisamad Axmed Faarax oo loo Yaqaan (Jordan). Haddaba kulammadii ugu xiisaha badnaa ee tartanka (semifinalka) ayaa waxaa foodda is daray kooxihii kala ahaa Via Roma iyo 918, waxaana 5 gool ku adkaatay kooxda 918, halka kooxda Via Roma ay ka keensadeen 2 gool....dhanka kale waxaa iyaguna ciyaar aad u xiiso badnayd isku haleelay kooxaha AC Milan iyo kooxda Xiddigaha ,waxaana halkaasi 6 gool ku adkaatay kooxda AC Milan, halka kooxda xiddigaha ay dhaliyeen 5 gool. Ciyaartii Finalka oo sida aadka loo sugayay ayaa habeenimadii Ciidda waxaa lagu qabtay garoonka dadan ee YWCA, waxaana halkaasi isku haleelay kooxihii kala ahaa AC Milan iyo 918.....Ciyaartaasi ayaa labada kooxoodba waxaa ay ku soo bandhigeen cayaar aad loo jeclaystay oo dadweynihii ka soo qaybgalay daawashadeeda ay aad ugu riyaaqeen. Bilowgii Cayaarta, inamdii kooxda AC Milan ayaa weerar ku qaaday goolka kooxda 918, waxaana u suurogashay inay goolkoodii ugu horreeyay ay halkaasi ka dhaliyaan daqiiqaddii 15aad ee cayaarta, goolkaasoo uu u saxiixay cayaaryahankooda lagu magacaabo Raage oo sitay lambarka 10aad. Wiilasha 918 wax niyad jab kama aysan qaadin goolkaasi looga hormaray, waxayna la soo baxeen isu dhiibid aad u xarrago badnaa iyo weerar aan kala joogsi lahayn oo ay kari waayeen inay iska difaacaan inamadii Kooxda ACmilan, waxaana ay dhabarka u saariyeen 4 gool oo xiriir ah. Goolashaasi waxaa u kala saxiixay ciyaaryahannadii watay lambarrada 6aad iyo 2aad waa Aamaaye iyo Abuu oo midkiiba uu laba gool saxiixay. Qaybtii hore ayaa ku soo dhammaatay 4 gool oo ay hogganka ku hayeen kooxda 918, halka kooxda Ac Milan ay ku itaal beeleen 1 gool oo kaliya. Wareegii labaad ee cayaarta ayaa la isku xiiqay, wax goolal ahna lama kala dhalin, weeraradii ay labada kooxoodba isku qaadeen, iskasta oo laadad gool loo fishay uu iska difaacay goolhayihii kooxda 918. Ciyaartiina waxaa ay ku soo gabagabowday 4 gool iyo 1 gool oo ay guushu ku raacday kooxda 918...Waxaana cayaartaasi si wanaagsan u garsoorayay macallin Carab. Xiritaankii tartanka ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Mudane Maxamed Cismaan ( Abba) oo ka tirsanaa qabanqaabiyayaashii tartanka, waxaana uu si aad ah uga warbixiyay qaabkii uu tartankani ku soo billowday, kooxihii ka soo qaybgalay ,dadaalkii , iyo cayaar wanaaggii ay muujiyeen intaba . Abba oo sii hadlaya ayaa sheegay in qabsoomidda tartankani ay waqti dheer ka shaqaynayeen,aadna uu ugu faraxsan yahay in maanta oo ciid ah la soo gabagabeeyo, waxaana uu ammaan ballaaran u soo jeediyay dhammaanba kooxihii tartanka ka soo qaybgalay iyo intii gacanta ka gaysatay tartankani inuu noqdo mid lagu najaxo. Tababare Shiikha oo isagu tartanka soo gunaanaday ayaa halkaasi mahadcelin ballaaran uga soo jeediyay dhallinyaradii soo abaabushay barnaamijkaasi xiisaha badnaa iyo kooxihii tartanka ka soo qaybgalay , waxaana uu halkaasi hambalyo uga soo jeediyay kooxda kubadda Cagta ee 918 oo iyadu ku guulaysatay koobka Ramadaanka Minnesota sannadkan 2011...waxaana uu u rajeeyay in sannad dambe caafimaad nagu gaarsiiyo iyo kulan dambe oo sidan oo kale u xiiso badan. Barnaamijkii quruxda badnaa ee xiritaanka tartanka waxaa daadihinayay Mudane Xaayow oo ka socday Somali Media, ahna wakiilka North Amerika ee Universal TV. Sidan ayaa abaalmarinadii loogu kala guulaystay: Kooxda 918 , kaalinta 1aad...Waxaana koobka Guddoonsiiyay tababare Cabdulqaadir Xaaji Daahir (Shiikha). Kooxda Ac Milan, Kaalinta 2aad.... Waxaana koobka guddoonsiiyay ciyaaryahankii weynaa ee naadiga Batroolka Cabdulqaadir Nuune. Farhan Maxamed Cali oo ku guulaystay abaalmarinta ciyaartooygii ugu wanaagsanaa tartanka (MVP Tournment), waxaana guddoonsiiyay ciyaartooygii weynaa K/koleyga ee naadigii Wagad Cabdi gabayre oo loo yaqaan( Duwe). . Faysal oo ka socday kooxda AC Milan ayaa noqday ciyaartooygii ugu goolal dhaliska badnaa, isaga oo dhaliyay muddadii uu tartanku socday 8 gool, waxaana guddoonsiiyay abaalmarinta Qalinle. Abdul oo ka socday kooxda Ac Milan ayaa loo gartay inuu ahaa ciyaartooygii ugu difaaca adkaa (Best Defender), waxaana abaalmarinta guddoonsiiyay Ciiloow. Aamaaye ayaa loo gartay inuu ahaa ciyaartooygii ugu wanaagsanaa ciyaartii kama dambaysta (MVP Final),waxaana abaalmarinta guddoonsiiyay Quure. Guusha ay kooxda soo hooyeen awgeed ayaa isla habeenimadii waxaa makhaayadda Safari loogu sameeyay casho heer sare ah oo uu ku deeqay mid ka mid ahaa taageerayaasha kooxda 918. Diyaariye:Shiikha
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|